Dhambaal ku saabsan bisha Soon-qaad(Ramadaan)



 Dhambaal ku saabsan bisha Soon-qaad(Ramadaan)

                     Bisha barakaysan ee Ramadaan(Soonqaad) waxaa lagu tiriyaa bisha ugu kheyrka badan bilaha,waxa uuna alle ku sifeeyay bisha ramadaan faa’iidooyin badan, ajarkeeduna uu laba jibbaaray, jaceylkiisana uu geliyey quluubta addoomaha, iyagoo kunool harkeeda.

Soonka bisha Ramadaan(Soonqaad) waa tiir ka mid ah tiirarka islaamka, waana waajib saran dadka muslimiinta in ay soomaan ayna gutaan acmaasheeda bishaan Ramadaan.


Bisha Ramadaan waxaa kale oo looyaqaan bisha Qur’aanka, waxaana lagu soo dejiyey dhexdeeda nabigeenii suubana Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa alle ha yeellee, waxaana macallinkiisa ahaa malakul jibriil calayhi salaam habeenada barakaysan ee Ramadaan ayuu cashar la qaadan jiray, sidoo kale bishaan waxaa lagu magacaabaa bisha istaagga(Qiyaam) sababtoo ah waxaa ku badan cibaadada.


Dadka muslimiinta bishaan waxa ay ku tartamaayaan in ay ilaaliyaan u istaagidda cibaadada habeen walba iyagoo rajeynaya in ay heli doonaa dambi dhaaf iyo ajir weyn waxa ayna badinaayaan cibaadada iyo ulaabashada Alle subxaanahu watacaallaa quluubtooda oo u qarsoon si uu alle ugu karaameeyo in uu ka xoreeyo naarta.


Cibadooyinka Ugu Muhiimsan Bisha Ramadaan

Qofka muslimka ah  waxa uu ugu dhawaan karaa  Alle SWT bisha barakaysan ee Ramadaan dhammaan cibaadada, cibaadadas waxaa ka xusi karnaa qaar kamid ah:

Salaadda oo waqtigeeda la ooggo(latukado) laguna guto jameecada masjidka ah.

Akhriska badan ee Qur’aanka kariimka ah iyo qushuuciisa.

In la afuriyo dadka sooman ee aan awoodin in ay helaan afurka, waxa uuna helayaa qofkaasi wax afuriyay ajar lamid ah qofka sooman ayadoo aan wax nusqaan ah ku dhacaynin qofkii soomanaa.

In la wax lasiiiyo dadka masaakiinta ah (sadaqo) si ay ugu gutaan baahidooda ku saabsan gudashada bisha Ramadaan.

In habeen kasta la istaaggo salaadda taraawiix(qiyaamul layl) iyo tobanka dambe ee bisha Ramadaan in lagu dadaalo cibaadada si ka badan 20kii hore si uu alle u waafajiyo habeenka Leylatul qadriga.

Fadliga Bisha Ramadaan(Soonqaad):

Bisha Ramadaan waxa leedahay fadli badan waxaana ka mid ah:

Dambi dhaaf

In ay quluubta hanuunsanaato

Dareenka gaarka ee ilaahey Qaadirka: soonku  waa cibaado uu Alle garanaayo daacadnimada adoonkiisa

In janada laga galo albaabka Al-Rayaan: waa maalinta qiyaame dadka sooma waxa ay janada ka geli doonaan albaabka Al-Rayaan

Kasbashada ajar weyn marka la gaaro habeenka Leylatul qadriga qofkii la kulma oo cibaadaysta waxa uu heli doonaa cibaado u dhiganta ajarkeed a 1000 bilood, alle hana waafajiyo.

Ducada oo laga jawaabo, Alle idamkii Ramadaanka waxa uu ka mid yahay xilliyada fadliga badan ee ay tahay in qofka muslim ahi uu ka faa’iidaysto, oo uu aad u tukado inta lagu jiro.


WABILLAAHI TOWFIIQ


Post a Comment

0 Comments