Xajka waa acmaal wajib ah oo ka mid ah tiirarka islamka


Xajku waa tiirka 5ad ee tiirarka islamka, ereyga Xaj macnaha luqa ahaan waa qasad sharci ahaana waa in loo qasdo kacbada si loo guto hawlaha Xajka. Sidokale Xajka waa camal ciwaado ah oo ay muslimiinta sameyaan sanad walba, qof kasta muslim ah waxa wajib ku ah inu Xajka guto mar cimrigiisa hadu awoodo. Muslimiinta oo idil Xajka waxay u arkaan  inuu yahay fursad qaali ah oo ay iskaga nadiifiyaan dambiyadi hore ee ka dhacay. Xajku wuxu so bilowday xiligi Nabi Ibrahim calayhi salam, waqtigas Nabi Ibrahim uu ku yimid amarka Allah Makkah oo ahayd meel aan cidna daganayn oo saxara ah, hadana waa amar Alle kaga yimid inuu geeyo halkaas xaaskiisa Hajira iyo canugeda yar  Ismaciil iyagoon haysan wax cuno iyo biyo ah marka laga reebo wax yaro timir ah oo uu Nabi Ibrahim u dhaafay, kolkaa Hajara waxay  waydisay Nabi Ibrahim in Alle uu amray in halkan uu kaga tago markasu Nabi Ibrahim ku jawabay haa markas bay Hajara tiri iska tag kol haday sidas tahay Alle nama dayacayo. Haajara waxay oroday 7jeer inta u dhaxeysa 2da burood ee Safa iyo Warwa ayadoo raadinaysa biyo ka dib waxay ku so noqotay ayadoo quus ah halki uu jiifay canugedi yaraa ee Nabi Ismacaiil, waxay aragtay isagoo cirbihiisa dhulka ku garacaya halka uu cirbaha ku garacay waxa kaso burqadeen biyo oo loo baxshay isha biyaha Zamzam. Wixi xiligaas ka dambeeyay waxa mesha yimid qabiilada carbeed, waxayna noqotay degaan rasmi ah oo biyio leh sidas ayay ku dhisantahy magalada Makkah. Nabi Ismaciil wuxu ka guursaday dadki halkaas so degay, Nabi Ibrahim iyo Nabi Ismaciil ayaa dhigay seeski ugu horeeyay ee kacbada sidu ino cadeyay qur’anka kariimka ah, kadib koonaha bari ayay dhigeen dhagaxa madow ee ( Xajru Al aswad). Nabi Ibrahim kadib dadki way ka leexdeen wadadi subaneed ee islamka waxay samaysteen Asnaam tira badan oo noocyo kala duwan ay ula baxeen magacyo kala duwan ayna caabudi jireen, hase yeshe waxa laysla ogolaa in Makkah tahay mesha dhexda u ah cibadada, dadka way so booqan jireen oo way ku dawafi jireen kacbada, qaarkood iyagoo qaawan, qaarn iyagoo aamusan, qabiilka qureysha ayaa ahayd dadka gacanta ku haya Kacbada ee dadka u adeega. Marki laso diray Nabi Muxamed (SC) waxa isbedelay dhamaan cadoyinkii dhaman xumaa ay lahayeen dadki degana Makkah, asnaamti aya tiilay kacbada waa laga wada saaray, Nabi Muxamed wuxu dadka reer Makkah u iftiimiyay in Alle (SW) kaligii xaq lagu cabudo aan waxkale lala wadaajin, xaj kuna uu yahay tiir ka mid tiirarka islamka waajib na uu ku yahay qof kasta oo muslim ah qaangaar ah oo awooda inu mar guto cumrigiisa. Acmaasha xaj ka wuxu bilowdaa sanad walba bisha Dul xijjah oo ah dhamaadka tariikhda Hijriyada. Sidokale xaj ka wuxu leeyahay waqtiyo la xirto sida bisha Shawaal, bisha Dul qacda iyo sagaalka maalmood ee ugu horeeya bisha Dul xijjah, iyo meelo laga soo xirto xagga dhulka, sida Rasulka (NNKH) ino jideeyay xudoodo laga so xirto oo 

cayiman, waxana ka mid ah; dadka ka imanaya dhanka Madiina iyo wixi ka shisheeya waxay Xajka kaso xiranayan Dul xudeyfah oo waqtigan lajoogo ka mid ah magalada Madiina taaso qiyaasti u jirta magalada Makkah 450km, dadka ka imanaya dhanka Shaam iyo Masar ama Afrikada waqoyi waxay kaso xiran karaan Juxfah oo qiyaastsi u jirta magalada Makkah 183km, dadka ka imanaya dhanka bari ee Makkak waxay kaso xiran karaan Qarnu al manaasil qiyaasti u jirta magalada Makkah 75km, dadka ka imanaya dhanka Yeman oo ay Somalidu ka midtahay waxay ka xiranayan Yalam lam qiyaasti u jirta 92km. 

Xajku waa qasdi oo uu qofku u qasdayo baytul xaraamka “kacbada” isagoo cibaadeysanaya, Xajka waxa la waajib yeelay sanadki 9ad ee hijriyada. 

Shurudaha Xajka

Xajku wuxu lee yahay shurudo waxana ka mid ah sida soo socota:

·       Islaamnimo: in qofku islaam yahay, qof aan islam aheen waajib kuma ahan Xajka
·         Qaangaarnimo:  in qofku qaangaar yahay qof an qaangaar aheen waajib kuma ahan Xajka
·         Caaqli la saxiib ah: in qof ku caqli leeyahy qof walan waajib kuma ahan Xajka
·         Xur ahaansho:  in qof ku xur yahay qof adoon ah waajib kuma ahan Xajka
·         Awoodid :     in qof ku awoodo xoolo ahaan ama tawar ahaan tagista Xajka
 

                                Axkaamta Xajka 

Xajku wuxu lee yahay axkaam waxana ka mid ah sida so socota:

·         Ixraam: in qofku uu niyaysto acmaasha uu gudanayo
·         Istaaga carafo: in qofku uu istaago carafo marka ay qoraxdu soo baxdo
·         Dawaafka: in qofku ku dawaafo kacbada
·         Lasocdo labada buur Safa iyo Marwa dhexdood: qofku inu socdo buuraha safa iyo marwa dhexdood 
·         Miiqaadka: in laga soo xirto Xajka meelaha loogu talagalay
·         Istaaga carafo: in qofku istaago carafe inta ay qoaraxdu ka dhacayso
·         Muzdalifa loo hoydo: in loo hoydo Muzdalifa habeen gawraca
·         Mina loo hoydo: in Mina loo hoydo habeenada maalmaha tashriiqa
·         Tuuris dhagaxaan (Jamaraad): in la tuuro dhagxaan si tartiib ah
·         Xiiris ama gaabin timaha: in la xiiro ama la gaabiyo timaha
·         Dawaafka sagootinta: in la sameeyo daafka sagotinta  

                        

                            Sunnoyinka Xajka  

Xajku wuxu lee yahay sunnoyin waxana ka mid ah sida tan:

·         In Mina la seexdo habeenka 8ad
·         Dawaafka imaanshaha
·         In la gucleyo 3da shook ee hore marka la dawafayo
·         In garabka midig la muujiyo
·         In la qubaysto marka ad xiranaysid ixraamka
·         In la xirto macwiis ama guntin iyo go oo midabkoogu cadaan yahay
·         In uu akhriyo talbiyada marka uu xirto ixraamka ilaa uu ka tuuro jamaraadka
·         In uu taabto dhagaxa madow oo uu dhunkado
·         In lala yimaado ducooyinka iyo adkaarta so aroortay


Post a Comment

0 Comments