AHMIYADDA 10KA DAMBE EE BISHA BARAKAYSAN EE RAMADAAN

 


AHMIYADDA  10KA  DAMBE EE BISHA BARAKAYSAN   EE RAMADAAN

Rasuulka (SCW) wuxuu ku dadaalli jiray tobanka dambe ee bisha barakaysan ee Ramadaan sida ay ugu dadaalin dadka kale.

FADLIGA IYO MUHIIMADDA AY LEEYIHIIN 10KA DAMBE EE BISHA BARAKAYSAN EE RAMADAAN WAXAAN KUSOO KOOBAYNAA QODOBADAAN SOO SOCDA:

Waxaa ku sugnaaday in Naarta laga xoreeyo qofkii alle  waafajiyo, sida laga wariyay Rasuulka NNKH (waxa uu yiri Rasuulka NNKH Ramadaanka bilawgiisu  waa naxariis, dhexdiiduna waa dambi dhaaf , dhammaadkeeduna waa Naarta oo lagaa xoreeyo)

Waxa ay fursad u tahay qofka muslimka ah inuu kazoo kabsado wixii khladaad ah eek a dhacay bilowgeedi iyo bartamaheeda.

Tobanka dambe ee Ramadaan waxa kujira habeen lagu magacaabo Leylatul-khadri oo ka kheyr badan camalka aad habeen kaas samayso kun bilood oo u dhiganta 83 sano iyo 4 bilood, gaar ahaan habeenada kisiga ah sida 21, 23, 25, 27, iyo 29.

Waxaa soo degay Qur’aanka kariimka ah, maxaa yeelay habeenka Leylatul’qadriga ayuu soo dagay Qur’aanka.

Waxaa soo degaya Malaa’ikta ayagoo u gaar ah habeenka Leylatul-qadriga, waxa ay soo degaan Ramadaan kasta.

ACMAASHA LA SAMEEYO TOBANKA DAMBE EE BISHA BARAKAYSAN EE RAMADAAN:

1. In Qur’aanka la akhristo: akhrinta Qur’aanka waxaa kusugan ajar fara badan maxaa yeelay xaraf kasta waxaad ku helaysaan ajar u dhigma 10 xasanaad.

2. Xuska alle iyo ducada in la badiyo tobanka dambe ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

3. Habeenki in la tukado oo laga faaiidaysto Leylatul-qadriga

4. In la ictikaafo tobanka dambe ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

5. In sadaqada lala baxo, waa in qofka muslimka ah uu badiyaa sadaqo bixinta.

6. In lasiiyo dadka u baahan sakaatul-fidriga



Post a Comment

0 Comments