Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa maanta xilka si rasmi ah kagala wareegay Taliyihii hore ee booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

 

Taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa maanta xilka si rasmi ah kagala wareegay Taliyihii hore ee booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Munaasabada waxaa ka so qeyb galay Guddoomiyaha Maxkamada Sare, Ra’isulwasaare Ku Xigeenka JFS, xubno Ka mid ah labada Gole ee Baarlamaanka, Xubno Ka socday Golaha Wasiirada, Xeer ilaaliye Ku xigeenka JFS, Agaasimaha Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Hay’daha Saaxiibada la ah Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed (EUCAP, ATMIS, UNSOM & UNDP). Taliyeyaashii Hore ee Ciidamada Qalabka Sida, Taliye Xigeenada Ciidanka Boliiska, Taliye Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka iyo Guddoonka Gobolka Banaadir.

Sidokale Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Saraakiil iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan ayaa ka qayb galay xil  wareejinta halkas uu xilka kula wareegay taliyaha cusub, munasabadas oo ka dhacday xarunta Dugsiga tababarka ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliyihii hore ee Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed General Xijaar oo ka hadlay munaasabadda xil wareejinta ayaa sheegay in horumar la taaban karo uu ku talaabsaday Booliska, taliskana uu ciidamo Boolis ah geeyay deegaannada laga xoreeyay kooxda al shabaab.

“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed sanadihii ugu dambeeyay wuxuu sameeyay horumar la taaban karo, waxaana diyaarsan qorshe iyo istiraatijiyad cusub oo loogu tagalay Booliska si loo sii hormariyo, taliskuna ciidamo Boliis ah ayuu geeyay magaalooyinka al shabab laga xoreeyay ee gobolka Shabeellada dhexe,” ayuu yiri taliye Xijaar.

Sidoo kale, taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sulub Axmed Firin oo xilka la wareegay ayaa dhankiisa balan qaaday inuu ka shaqeyn doono wax ka qabashada baahiyaha ka jira gudaha hay’adda Booliska, si awood badan uu u yeesho booliska Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada xukuumadda federaalka ayaa dhammaadka bishii hore ee janaayo ansixiyay magacaabista Taliyaha cusub ee Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin.

 


Xigasho: Wargayska dalka

Post a Comment

0 Comments