Magaalada muqdisho waxay martigalineysaa hormar badan oo latabankaro , sida taabagelinta beeraha green house ka

 


Magaalada muqdisho waxay martigalineysaa hormar badan oo latabankaro, caasimada Muqdisho waxa ku nool  dad aad u badan kuwaa oo lagu qiyaasay in ay gaarayaan ku dhawaad sadax  ilaa sadax iyo bar milyan kuwaa oo hormaro kala duwan kawada caasimada dalka. Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool caasimada dalka waxa ay u keenaan faa’ido kala duwan oo ay ku hormarinayaan dalka ayaga oo keenay ganacsiyo kala duwan oo sare u qadaya dhaqalaha dalka, kuwaa oo adduunka si saa’id ah looga isticmaalo isla markaana hormaro baaxad leh laga sameeyey ganacsiyadaas. Ganacsiga aad ugu soo batay casimada Muqdisho waxa ka mid ah Beerahan green house ka ah ee ay bulshada Soomaaliyeed aysan hori u aqoon sababtoo ah bulshada Soomaaliyeed waxa ay garan jireen Beeraha ku baxa Wabiyada Jiinkiisa ama hareerihiisa, Beeraha ku baxa Ceelka iyo Beeraha ku baxa xili roobaadka balse Beerahan casriga ah waa beero aad loo qalabeeyey islamarkaana xanaanadooda ay sareeso. Beerahan green house ka ah waa Beero aad loo casriyeey isla markaana loo adeegsaday  degaan ku haboon lagana fakaray xananadooda sidasdarteed waa mid indhaha aad u soo jiidanaayo.

Beerahan casriga dabacan waa beero loo dhisay qaab aad u heersareeyo waxaana loo adeegsadaa agab dhismeed iyobacoyin oo xakameeya heerkulka ilayska  isla markaana Ka ilaalineyso in ay beerta soo weeraraan cayayaanada dhibateya beertaiyo aafoyinka kale. 

Faidoyin badan bay u leedahay hirgelinta beeraha green house ka dadyowga ku dhaqan casimada Muqdisho 

  1. Bulshada ku dhaqan casimada Muqdisho waxa u sahlananaya helista dalagyo kala duwan oo fireesh ah islamarkaana  aan waqti badan  ku qadaneynin. 
  1. Bulshada ku dhaqan caasimada dalka ayaa helaya qudaar, miro iyo dalagyo badan kala duwan oo abuura tartan ganacsi halkas oo ka dhalanaya tayo wangsan iyo qiima jaban. 
  1. Beerahan green house ka waxay dalka ku so kordhiyeen qudaarta iyo miraha qaar oo horey dalka an ka bixi jirin ayey beeraan oo lagu iibiyaa suuqayada magaalada muqdisho qudaartaasna waxaa Ka mid ah Yaanyo waa weynta ama yanyo Simirsan, sidoo kalena Beeraha waxaa Ka baxa Istiroobari , Afa kaadho iyo qudaar badan oo kala duwan. 

Ugu danbey Bulshada Soomaaliyeed ee caasimada ku nool waa bulsho u diyaarsan hormarinta ganacsiyadooda kala duwan keliya u baahan amni iyo cadaalad intaas haday helaan in ka badan bay samenkaran. 

Muqdisho waa casimad sameynaysa hormar ganacsi oo dhaqsi badan, muqdisho tagtiyo talabsatay. 


Xigasho: Wargayska dalka


Post a Comment

0 Comments