Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay Ergayga Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula qaatay Caasimadda Muqdisho Ergeyga dalka Maraykanka u fadhida Qaramada Midoobay Marwo Linda-Greenfield Thomas. Madaxweynaha oo la wadaagay danjire Linda guulaha Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen furimaha dagaalka iyo xoreynta deegaannada sidokale madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey dalka Maraykanku gacanta weyn ee ay ka geysanayaan la dagaallanka kooxda Alshabaab, waxa uuna tilmaamay khatarka  ay ku hayaan Gobolka. Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay caqabadda ay ku hayso cunaqabetynta hubka saaran Soomaaliya, dib u dhiska ciidamada iyo dadejinta dabar-goynta kooxda Al shabaab, waxa uuna ka rajeeyey danjire LindaThomas in ay codka Mareykanka ku taageerto qorshaha dowladda Soomaaliya ee laalidda cunaqabateyntaas, ayna qeyb ka noqdaan olalaha Soomaaliya ay ka waddo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Safiirka Qaramada Midoobay u fadhida dalka Maraykanka Marwo Linda-Greenfield Thomas ayaa ku bogaadisay Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed sida ay ugu istaageen dagaalka ka dhanka ah Al shabaab iyo deegaannada laga xoreeyey ee muddada ay curyaamiyeen, waa sida loo dhigay,  iyadoo soo bandhigtay sida ay uga qeyb qaadanayaan gurmadka iyo adeegyada aas-aasiga ah ee ay u u baahan yihiin  deganada la xoreeyey . 


Xigasho: Wargayska dalka


 

Post a Comment

0 Comments