Shir ku saabsan arimaha deen cafinta ee dawlada somaliya ee ka socday magalada Nairobi mudo toddobaad ah ayaa mata soo xiray wasiirka wasarada maaliyada ee xukumada federalka Somaliya,         Dr. Cilmi Maxamuud Nuur. Shirkan mudadi uu socday waxa diirada lagu saaray dhamaan wixi ka qabsoomay fulinta shurudaha deyn cafinta, qodobka ugu muhiimsan u yahay dib u habaynta maaliyada, iyo ku dhaqanka shuruucda, sidokale shirtan waxa loga wada hadlay sidii wadajir looga wada shaqayn lahaa gaarid natiijada kama dambaysta deyn cafinta, taas oo la rajaynayo in la gaaro dabayaqada sanadkan 2023. 

Shirkan waxa kaso qaybgalay wasarada maaliyada oo shir guduminesay, wasarada qorshaynta qaranka, wasarada badroolka, bangiga dhexe ee dalka, xafiiska madaxweynaha, xafiiska raisulwasaraha, iyo hay'ada lacagta aduunka loo yaqano IMF.