Nin safar ahaa ayaa uso martiyay reer degan tuulo  u dhow tuulada uu rabay, Aabaha qoyska ayaa so dhabeyay ninkii socotada ahaa waxayna aheed xili gabalku dhacay, sida cada aheed Somalidi hore ee wanagsaneed waxa lagu yaqiinay marti soor wangsan iyo so dhawayn qurux badan, ninki martida ahaa waxa loo keenay gogol uu ku nasto, kuna seexdo caawa. Odaygii guriga lahaa iyo xaaskiisa waxay bilabeen in ay diyaarshaan cunto, iyo cano ay ku marti soraan ninka martida ah, waxay u qaleen neef ari ah oo qoyska kaso sareen xoolahii ay dhaqanayeen , intaas ka dib odaygi wuxu bilabay inu u geyo cunadi lo diyaarshay ninki martida ahaa, odayga wuxu so qaday hilibki wuxu u keenay ninkii wuu laabtay wuxu soo qaday soortii markuu yimid wuxu arkay xeero eber ah, soortii ayuu dhigay wuxu doonay caanihii lagu cuni lahaa marku keenay canihii wuxu u yimid soorti eber ah, odaygii wuu yaabay markale ayuu donay soor lagu cuno canaha, soorti marku keenay wuxu arkay canihii eber ah.

Odaygii guriga lahaa intuu yaabay ayuu fariistay markasu waydiyay ninki martida ahaa halka uu u socday.

Ninkii martida ahaa wuxu dhahay waxan u socday tuulo hebel oo degan shiikh hebel halkas ayaan isku so dabeen rabaa beryahan cuntada ayaa iga xiran. Ninkii odayga ahaa intuu yaabay ayuu is yiri neefkii , soortii iyo caanihii aad ogeed ninka ay ku maqanyihiin hadii cunada u furanto bal kawaran, markas ayuu ku yiri ninki safarka ahaa cuntada hadii lagu furo hano so martin