Akhriska waa tiro hab xiriir ka dhaxeeya akhristaha iyo qoraalka, sidokale akhrisku waa hab lagu qaado dareenka iyo macnaha xarfaha. 


Faidada akhriska 

Akhriska wuxu leeyahay faidoyin badan waxana ka mid ah: 
1) Akhriska wuxu hormariyaa xusuusta maskaxda
2) Akhriska waa jimicsiga maskaxda 
3) Akhriska waa hab madadaalo xur ah
4) Akhriska wuxu hormariyaa awooda diirad saarista
5) Akhriska wuxu hormariyaa xirfada qoraalka
6) Akhriska wuxu hormariyaa tayada hurdada
7) Akhriska wuxu kordhiyaa aqoonta guud
8) Akhriska waa dhiirageliye
9) Akhriska wuxu yareeya walwalka
10) Akhriska wuxu sameyaa tusaale wangsan 
11) Akhriska wuxu ku baraa awooda faham dareen 

Akhriska wuxu dhisaa maskaxda, wuxu siyaadsha awooda fahamka dareen, sidokale wuxu dhisaa ereyada luqada kaso akhristayasha u isticmalan dhisida aqoontoda, aburista iyo isku xirka macnaha. 


Waxa jira noocyo kala duwan oo akhris ah 

Marka aan akhrino qoraal uma akhrino isla qaabkii maalinkasta. Nooca akhris aan sameyno had iyo goor waxay ku xirantahy waxa aan rabno in an ka helno waxa aan akhrinayno. Ma mid farxad baa mise waxa ka radinayna in an ka barano wax cusub. Akhriska waxa loo qaybiya laba nooc waxa ka mid ah: 

Akhris nasasho

Waa akhris farxadeed iyo nasasho, akhriska nocan ah malahan u jeedo lagu gulaysanyo ama hadaf laga garayo, keliya waa akhris madadaalo ah. 

Akhris ujeedo leh

Wuxu qataa hab waxqabad ah. Sida magaca uu so jedinayo, waa farsamo qotadheer halkaas oo qoraalka lagu lafaguray heer qotadheer. Noca qoralkan wuxu u bahanyahy taxadar iyo il adag. Waxa jira xoga nocyo akhris kala duwan oo ka mid ah akhriska ujeedada leh, waxan ka mid ah: 

1) Akhris baaris     
2) Akhris dagdag 
3) Akhris wadashaqayn 

Akhris baaris: Baarisra qoraalka waxay ka cawinaysa akhristaha inu helo warbixin gaar ah ee ay radinayan. Tusale ahaa: Hadii ad dubaysid dolsho waxa laga yabaa in aad baartid cuntada si ad u xasusatid xadiga bur ee ad u bahantahy in ad miisanto. Akhris baaris waa hab qoraal looga raadinayo warbaxin gaah ah.

Akhris dagdag: Waa nooc akhris ah ee noo ogalanaya in an fahamno fariinta guud ee qoraalka yar ayadon la akhrin intakale ee qoraalka. Sidokale nooca akhriskan wuxu ku dhaqalena waqtiga, wuxu ku shegaya hadii uu wanagsanyahay qoralka dhamaystiran si fahfahsan.

Akhris wadashaqen: Waa midka ugu qotadheer iyo akhrinta nooca ujeedada leh. Si ad u akhriso qoraal si adag oo qatadheer waa inaad lafagurtaa waxa qoraalka shegayo iyo sida uu dhahayo.