Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kariye Qoor qoor waraysi uu siiyay idacada VOA wuxu ku cadeyay in kooxda  Al shabaab ay jabeen lagala wareegay magaloyin muhiim ah sida Xarardheere, Galcad,iyo Ceeldheer, sidokale wuxu sheegay muhiimad gaar ah in ay u leedahay maamulkiisa,  Dowlada somaliya iyo dadka degaanka, wuxuna hambalyo u diray ciidamada qalabka sida qaybahooda kala duwan, ciidamada xooga dalka, ciidamada darawishta Galmudug iyo ciidamada kacdoonka ee degaanka. 

  Wariyaha VOA Falastiin Axmed Iiman sual ay waydisay Madaxweynaha Mamulka Galmudug  Qoor qoor aya ugu jawabay sidatan: waa wararka wax magaratada garaadka laheen aan xishonayn inta badan ay shegan balse majiraan qof masuul oo somaliyeed oo degaan iyo dal xukuma  aan ku faraxsaneen in degaankiisa laga xureyo kooxda Al shabaab. Madaxweyne Qoor qoor ayaa si adag u sheegay in qorshahoodu yahay dhaman deganada mamulka Galmudug ee laga xureyay kooxda Al shabaab in lagu soo celindoono amnigi, nabadi, noloshi, xuriyadi ay waayeen mudo dheer; ayna helidonan waxbarasho, cafimaad iyo mamul u adeega. 

Kooxda Al shabaab ayaa guuldaro xoog leh kala kulantahy bartama Somaliya ka dib markii ciidamada dowlada ka qabsadeen magaloyinkii wawayn ee mudada badan mamulayeen ee degmoyinka Xarardheere, Galacad iyo Ceeldheer oo todobaadkan la waregay ciidamada xooga dalka Somaliya. 


Xigasho voa.