Dowlada Somaliya oo qabatay shirweynaha culimada Somaliyeed kaas ah mid muhiimad gaar ah u leh dalka iyo dadkuba. Shirkan u jeedadiis waa sidi loo cirib tirilahaa fakarka xagjirnimda, iyo dhisida gole sare culima u diin Somaliyeed. Shirka waxa kaso so qaybgalay Madaxweynaha Dr Xasan Shiikh Muxamuud, wasiirka Diinta iyo Awqaafta Shiikh Mukhtar Robow,iyo culimada Somaliyeed oo ka kala yimid dunida dacaladeeda. Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa u sheegay inuu ka rajaynayo in dadka lobayaniyo waxa ay sharecada islamka ka qabto dagalka lagula jiro Al shabaab. Madaxweynaha ayaa sidokale u so jeediyay culmada in dowlada ay siiyaan taloyin ku adan ka miradhalinta la dagalanka xagjir nimada, iyo in la dhiso Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, taas oo ka mid noqoneysa Hay’adaha ugu muhiimsan Dawladda, una xilsaaran ilaalinta diinta Islaamka oo iyaga wakiil uga ah Dawladda. Shiikh Cismaan Usuuli oo ka mid ahaa culimada ka qaybgalaysa shirka ayaa sheegay in mideynta dowladnimada iyo diintu ay tahay mid wanaagsan, laguna daro dastuurka Somaliya mad-habta ay Soomaalidu haysato ee madhabta Imamu Shafici, dadkana loo fasiro waxyaabaha looga shaki gelinayo fahamka toosan, Sidokale Sheekh Maxamed Al Qudubi, ayaa ku baaqay in dagaalka Al shabab ee dhanka Culimada uu noqdo mid ficil ah, haddii kale aan halkaa laga dhaqaaqi doonin. Shirweynahan culimada Somaliyeed oo galay malintii labad waxa aad loo gorfeyna: 1) Sharci ka qaadista Al shabaab: oo loga hadlaya fahamka saxda ah ee diinta islamka 2) Sharci siinta Dowlada: xukunka islamka iyo dowladnida casriga ah 3) Dhisidda golaha sare ee Culimada Soomaaliyeed: muhiimaddiisa iyo sharciyadiisa. Dowladda iyo Culimada Soomaaliyeed ayaa u midoobay sidii meesha looga saari lahaa ka been abuurista Diinta Islaamka, tallaabadaas oo meesha ka saaraysa in aan si fudud lo aaminin cid kasta oo sheegata magac diimeed.  

Xigasho wargayska dalka