Magaciisa oo dhammaystiran waa Abu Cali Alxasan Ibnu Xasan Ibnu Alhaytham. Ibnu alhaytham waxa uu ku dhashay magalaada Basra ee dalka Ciraaq sanadkii 965miilaadi ama 354 hijri waxa uu ku dhintay magaalada Qaahira ee dalka Masar sanadkii 1040 miilaadi ama 430 hijri. Waa caalim caan ka noqday dunida oo dhan si gaar ah maadada fiisikiska. Waxa uu ku taqasusay dhinacyada kala duwan sida dhaqtarnimada, fiisikiska, cilmul falaga iyo xisaabta. Waxa uu ahaa caalimka soo saaray waxa loo yaqaano (Optics) ama luqadda soomaaliga lagu yiraahdo ARAGTI(SIDA ISHA WAX U ARAGATO). Waa aabaha (Modern Optics) aragtida cusub ama casriga ah, waxa uu soo saaray kaamirada dunida caanka ka noqotay ee lagu magacaabo(pinhole camera) taasoo ah kaamiro aan u baahnayn waynayso oo lagu arki karo qorax madoobaadka, iyo dhaqdhaqaaqa ay qoraxdu samayso. Alhaytham waxa uu qoray wax ka badan 200 oo buug , 96 kamid ahna ay yihiin shaqooyinka scientificada,kudhawaad 50 kamid ahna dunida laga helaayay waqti aad u dheer, kala bar inta soo gaarta cimri dheer waxa ay ahaayeen xisaab,23 kamida waa astronomy, 14 kamidana waa optics ama kuwaas oo uu kaga hadlay meelo farabadan oo kusaabsan cilmiga waxaana ugu caansanaa buuggii uu ka qoray ARAGTIDA kaasoo lagu magacaabo BOOK OF OPTICS ama buugga aragtida kaasoo kahadlaya sida isha ibna aadamka ay wax ku aragto iyo qaybaha ka saacida aragtida. Waxan intaas kusoo koobaynaa qoraal gaaban oo aan ka sameeynay Alhaytham.  Al hasan ibnu al haytham waxa lo yaqana hab latin ah magaciisa kowad, marka hore waxa ladhihi jiray Alhacen, marka xigta Alhazen, waa fikir so saraha kowad ee sayniska wuxu sameyay ka qayb qadasho muhiim ah ee fahamka aragtida iyo ilayska. Habka baaristiisa, qasatan isticmaalka tijaabo lagu sharaxay aragti, waxay ku tusinaysa islamid ahaansho hubaal ah kaso mar dambe loo aqoonsaday sentifika habka casriga ah. Ibnu alhathem wuxu dhashay inta lagu gudajiray xiligi hal abuurka loona yaqano da’di dahabiga ee ilbaxnimadi islaamka kaaso arkay horumarro badan soojiidasho leh oo xagga sayniska, tignoolajiyada iyo daawada ah. Dhulka ay ku faaftay waa Spain ilaa Shiinaha, rag iyo dumar dhiirigelin leh,  sidokale leh diimo iyo dhaqamo kala duwan, oo lagu dhisay aqoonta ilbaxnimo hore, samaynta shaac ka qadis weyn oo inta badan aan la mahadin ku yeeshay adduunka.