?

  


MAXAMED IBNU MUUSA ALKHAWAARISMI

 waxa uu dhashay 780 miilaadiyada, waxa uu kasoo jeedaa wadanka Iiraan oo horay loogu yaqaan beershiya gaar ahaan dhanka usbakistaan iyo turmistaan oo hadda wadamo madax bannaan meeshaas ayaana la rumaysan yahay in uu kusoo koray, waxa uu ka mid ahaa dadkii ugu saameenta badnaay qarnigii uu noolaa.

Khaliifkii shanaad ee cabaasiyiinta Haaruun Alrashiid allaha unaxariistee waxaa xilka kala wareegay wiilkiisa Al-maamuun, shaqadii ugu horreeday ee uu qabto waxa ay ahayd in uu aasaaso akadeemiyad waxbarasheed oo lagu magacaabo “GURIGA XIGMADDA” (HOOSE OF WISDOM) halkaas oo falasafadda iyo cilmiga gariiga lagu tarjumay kana dhisay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq. 

Al-khawaarismi waxa uu ahaa caalim ka tirsan guriga xigmadda ee baqdaad waxa uuna tarjumay buugaag badan oo ku qornaa luqadda Gariigga, waxaa kale uu wax ka qoray buugaag badan kaasoo tix-raacyo badan lahaa. Tibixyada aljebra iyo algooriithm (Algebra and Algorithm) waxaa laga soo dhiraadhiriyay alkhawaarismi magaciisa iyo shaqadiisa. Magaca ay u yaqaanaan laatiinka ayaa ah algooritmi, waana halka ay ka timid algorithm, dhanka kale aljebra waxa ay ka timid waxaa loogu magac daray bug uu qoray oo lagu magacaabo (kitaab al-mukhtasar fii xisaab aljebra wal-muqabalah) buugaas oo sharaxaayay habka aasaaska ah ee lagu xaliyo isle’egta. Buuggaas ayaa lagu soo bandhigay sida loo xaliyo isle’egta tibxaalayaasha, sida loogu qoro habka aljebrada qaabka ugu fudud. Sidoo kale waxa uu wax ka qoray ,maadada juquraafiga ah tusaale ahaan dhigga iyo loolka oo saldhig u ah khariirada aduunka, waxa uuna ka qoray bug lagu magacaabo  Ptolemy’s Geography. Waxa uu geeriyooday 850 ee sanadka miilaadiga.