Fahamka erayga cafimaad waxa lagu shegay inuu yahay dheelitirnanta u dhaxeeya shaqsiga iyo degaanka, mid ahaanshaha nafta iyo jirka, sidokale dabiiciga aslka cudurka, maladan cafimaadka wuxu lafdhabar u ahaa Gariigi hore. Cafimaad waa ahaanshaha awooda shaqo ee jirka mid fiican,cafimaadka wuxu muhiim u yahay mid kasta naga mid ah, ruux kasta wuxu u bahanyahy inuu ahaado mid cafimaad qaba, mahan keliya mid jireed ee waxa ka mid ah mid maskaxeed; sida badana la dhaho cafimaadku waa hanti.   xigasho ururka cafimaadka aduunka wuxu ku qeexay cafimaad ka inu yahay dhamaystirnan xalad mid jireed, mid maskaxeed, iyo mid busho ayado maqanashaha cudur. Cilmi baareyasha saynisyahanada cafimaadka waxay u qaybiyeen 5 qaybood oo kala duwan sida: 

1) Cafimaad jireed 

2) Cafimaad maskaxeed 

3) Cafimaad dareen 

4) Cafimaad caqiido 

5) Cafimaad bulsho 



                                             
 Cafimaad jireed 

Cafimaad jireed ka wuxu ku lug leyahay hormarinta hab nololeedka kaso sababaya yaransho cudur iyo xanuun. Cafimad qabka waxa ka mid ah awodaha wadnaha iyo sambabka, awodaha jirka uu ku neefsanayo ogsijin. 

                                                   Cafimaad maskaxeed 

Cafimaad maskax eed waa awooda koriin aqoonta, barashada, iyo garaadka. 

                                                    Cafimaad dareen

 Cafimaad dareen waa eray tilmamaya awooda xakameen ee daremaha. 

                                                 Cafimaad caqiido 

Cafimaad caqiido wuxu qexaya nooca caqiido aynu haysano, caqida waxay qexysa waxa anu rumeysanahay. 

                                                   Cafimaad bulsho   

Cafimaad bulsho wuxu ino tilmamaya awooda an ku joogteyno xiriirada, ka qayb qadashada munasabadaha iyo dad yowga degankeena.