Salaada cilmi bay u bahantahy 

Salada waa tiirka labaad ee 5ta tiir islamka, sidokale slada waa xiriirka u dhaxeeya ruuxa muslimka ah iyo Alle (swc), si saladada ay u noqoto mid wanagsan baro cilmiga salada, si ad u baratid cilmiga wuxu u bahanyahay waqti, dadaal iyo samir. inta aan lagalin salada waxay leedahay shuruud, arkaan, sunnoyin iyo  hay'aad . 


                                               Shuruudhu Salaad 

Salaada shuruudheeda waa shan waxana ka mid ah: 

1) Dhaahir inuu ka yahay  qofka xadas,  xadas waa waxa ka yimaada  labada dalool sida kadida, saxarada, manida, dhiig dhalmada iyo xeelka. xadsku waxa loo qaybiyaa labo mid wayn iyo mid yar, midka wayn waa kan waajabiya qubays, sida manida, xeelka iyo dhiig dhalmada, midka yar waa kan waajabiya wayso qaad, inu dhaahir ka yahay najasada. Daliil Nabi Muxamed sallalahu calehi wasalam wuxu yiri Alle ma aqbalayo salaad dhahara la'an ah, xadis ka waxa wariyay imamu muslim iyo asxabu sunnan.

2) Cawrada inu asturo qofka oo dhar dhaahir ah ku asturo 

3) Halka uu ku tukanayo dhaahir inay ahaato 

4) Cilmi inuu u leeyahay waqtiga salada, wayo saladaha waxay leeyihiin waqti go'an 

5) In qiblada uu qabilo,  meel aan qiblada aheen saladu kuma ansaxeyso, laba si qiblada waa loogu tagi kara waa marka dagaal waajib aha uu ku jiro qofka iyo qofka marku safar yahay uu sunesanayo isago daabadiisa saran dhinaci uu usocdo ayu u suneysana.  

                                                         Arkaanu salaad 

Salaada arkaanteeda waa 18 rukni waxa ka mid ah 5 waa qowl  1 waa qalbi inta kale waa ficil, 5tas qowlida ah waxa ka mid ah: 

1) Takbiratul ixraam 

2) Faatixa 

3) Atixiyaadka u dambeeya 

4)  Nabiga o lagu saliyo atixiyaadka  dambe

5) salaam naqsi kowaad 

waxa shardi ah inu ismaqalsiyo qofka shantan qowliga ah  

1) Al niyah 

2) in istag lagu tukado qofka awooda 

3) Takbiratul ixram inu layimado

4) Fataxada oo la akhriyo dhamaan shidadkeeda iyo xurufaheeda

5) Rukuuca 

6) in lagu xasili rukuuca 

7) ictidaal 

8) in lagu xasilo ictidaalka 

9) Sajuud 

10) In lagu xasilo sajuuda 

11) In la fariisto labada sajuud inta u dhaxaysa 

12) In lagu xasilo fadhiga u dhaxeeya labada sujuud 

13) Fadhiga ugu dambeeya 

14) Ataxiyaadka inu akhriyo fadhiga ugu dambeeya 

15) Nabiga oo lagu saliyo ataxiyaadka dambe

16) Salam naqsiga ugu horeysa

17) In ad niyaysatide Salada inad ka baxaysid 

18) in la tartiibiyo arkaanta aan soo sheegnay 

    

                                         Salaada sunnoyinkeeda 

Salada inta aan la galin waxa lo sunneya labo waxana ka mid ah: 

1) Aadanka 

2) Aqimka 


Salada marka lago ka dib waxa lo sunneya labo waxana ka mid ah:         

1) Ataxiyaadka kowaad

2)  Qunuudka salada subax      

                                 


   Salaada hay'aadkeeda 

Salaada quruxdeeda  waxa ka mid ah: 

1) Gacmaha oo kor loo qaado marka salada laxiranayo

2) Gacmaha oo kor loo qaado marka la rukucayo 

3) Gacmaha oo kor loo qaado marka rukuca laga so laabto 

4) Labada gacmood oo lays saaro ayado la kormarinayo gacanta midig 

5) In la akhriyo ducada furfurashada 

6) In la tacawudo (cudabilaysi ) rakac walba

7) In kor lo qado akhrinta saladaha:  Subxa, Magribka iyo Cishaha

8) In hoos lo akhriyo saladaha:  Duhurka iyo Casirka 

9) Aamiinta 

10) Surad akhrinteeda Fataxada kadib 

11) Takbiroyinka sida marku rakucayo, sajudayo, ka so kicida sajuuda, ku labashada sujuuda iyo kuso labashada istaaga. 

12) in la dhaho samicallah liman xamidah, Rabana lakal xamdu 

13) Salam naqsiga labaad